Dalka Faransiiska waxaa lasoo warinayaa in xabsiyada ku yaalla dalkaasi ay maamulkooda ka baxeen gacanta ciidamada xukuumadda Paris, islamarkaana ay la wareegeen kooxaha tahriibiya Maandooriyaha.
Qolyahaan ayaa waxa ay geysteen dilal ka dhan ah ilaaalada xabsiyada, iyagoona ay usuuragashay iney ka wareegaan maamulka xabsiyada, ayna yaraato awooddii ay ciidanku ku lahaayeen halkaas.