Fallaagadan oo dagaal kula jira askart xukuumadda Congo ayaa maalintii shalay gudaha ugalay, magaalada Bukavu oo ah tan labaad ee ugu ballaaran Bariga wadankaasi.
Iska caabin aan sidaasi usii xooganeyn ayaa la sheegay iney kala kulmeen, ciidamada dowaladda Congo ee gacanta ku hayay Bukavu, kuwaasoo oo markii dambe ay kooxdu sheegtay iney carareen, waxayna isku fidiyeen xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.
Bukavu ayaa ah magaalo istaraatiiji ah oo ay ku nool yihiin dad kor udhaafaya 1 Malyan oo ruux, kooxdan ayaana marba marka ka dambeysa sameynaya isballaarin aan horay loogu arag sanadihii ay dagaalka ku jirtay.
Horay waxay fallaagan ula soo wareegeen magaalada Goma ee dhacda isla Bariga wadankaasi, waxayn xogta la helayo muujineysaa, in dagaalkan aysan ka marneyn gacmo shisheeye, malleeshiyadanna ay dagaalka kula jiraan calooshood ushaqeystayaal Aduunka kasocda.