Monday, April 21, 2025
HomeAll NewsKooxda M-23 oo la Wareegay Magoolo Horleh oo Dhacda Bariga Wadanka Congo.

Kooxda M-23 oo la Wareegay Magoolo Horleh oo Dhacda Bariga Wadanka Congo.


Kooxda M-23 ee dagaalka kula jirta askarta dowladda Congo, ayaa maalintii Arbacada ee lasoo dhaafay la wareegtay, magaalo hodon ku ah macdanta oo dhacda gobolka Kivu Bariga dalkaasi.

Magaaladan ay la wareegeen fallada M-23, ayaa lagu magacaabaa Niyaabibawiyoon, waxayna udhowday oo ay 100KM oo kaliya ujirtaa, magaalada Bokaafo oo ah caasimadda gobolka.

Malleeshiyadan ayaa marmar badan lagu eedeeyay iney taageero ka hesho dhanka dowladda Rwanda, waxaynta haatan wararku sheegayaan in markii ay magaaladan qabsanayeen ay la socdeen ciidamo katirsan kuwa xukuumadda Kigali.

Niyaabibawiyoon oo ah magaaladan ay la waregeen malleeshiyadan, ayaa dhacda bartamaha wadada isku xirta magaalooyinka Bokaafo iyo Goma, taasoo usuuragelineysa iney si fudud gurmad uhelaan haddii dagaal ku billowdo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.