Tuesday, April 15, 2025
HomeAll NewsKooxda RSF oo Markale Dad Shacab ah ku Leysay Dalka Suudaan.

Kooxda RSF oo Markale Dad Shacab ah ku Leysay Dalka Suudaan.

Malleeshiyada Ad-Dacmu As-Sariic ee caadeystay daadinta dhiiga dadka Shacabka ah ee ku nool wadanka Suudaan ayaa maalintii shalay dad hor leh ku laayay wadankaasi.

Waxay kooxdan dhaqan ka dhigteen iney goobaha dadku ku badan yihiin madaafiic la beegsadaan had iyo jeer, sida ay sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay oo kale.

Sabtidii shalay  waxay madaafiic ku duqeeyeen magaalada Al-Abyadh ee gobolka Kurdufaan oo kamid ah dalka Suudaan, waxayna halkaasi ku dileen dad rayad ah halka ay dhaawaceen qaar kale, sida ay sheegeen golaha madaxa banaan ee dhaqaatiirta Suudaan.

Warka kasoo baxay bahdan caafmaad ayaa lagu sheegay in kooxda RSF ay si ulakac ah uduqeeyeen goobaha dadku ku badan yihiin, waxayna dileen 5 ruux oo ay hooyo iyo caruurteedu ku jiraan, halka ay dhaawaceen 4 kale.

Intaasi waxaa sii dheer wax yeellada ay mar waliba ugeystaan goobaha danta guud, iyadoo duqeymaha kooxdan noqdeen kuwa mar waliba soo laa laabta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.