Malleeshiyada RSF ee gumaadka wuxuushnimo kawada dalka Suudaan, ayaa dhawaan weerar ku qaaday illaa 10 tuulo oo ku yaalla mayiga magaalada Ummu-Darmaan ee wadanka Suudaan.
Kooxdan calooshood ushaqeysataasha ah ee taageerada ka helay Imaaradka Carabta, isagna kala yimid daafaha Dunida, ayaa boob iyo bililiqo kula ka kacay dadkuu ay ugu tageen tuulooyinka, iyagoo si gaar ah ubeegsadya hantidii dadka, iyo goobaha danta guud.
Waxay udhaceen xarunta caafimaadka ee Al-Xuseynaab oo ku tiillay halkaasi, waxayna ka kala cayriyeen bukaannadii joogay, ayagoo sido kale horay uqaabtay dhamaan wixii yiilay isbitaalka.
Sido kale waxay dhaceen xoolo farabadan, iyo qalabkii ceelasha biyaha, ayagoo hubka ay wataan dadka ku handadayay.
Kooxda sidan ugumaadeysan shacabka Suudaan, waxaa halkaasi ku biileysa oo shaqadan foosha xun udirsatay dowladda Imaaraadka Carabta, malleeshiyo arxan daran aan badbaadineyn naf iyo maal intaba.