Maalintii shalay malleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay iney weerarro kala duwan la beegsadeen Markab kale oo ay leedahay dowladda Mareykanka, kasoo ku sugan badda Cas.
Markabkan ayaa ah mid la hawlgela markabka kale ee xambaara diyaaradaha ee lagu magacaabo Haari Turmaan oo ay leedahay xukuumadda Washington, waxayna Xuuthiyiintu sheegeen iney la beegsadeen getaallo Balaastik ah.
Dhanka kale duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ayaa maalintii shalay ka dhacay magaalada Sacdah ee dhacda Waqooyiga wadanka Yaman.
Warbaahinta kooxda Xuuthiyiinta oo ka hadashay duqeyntan waxay sheegeen in lagu dilay 1 ruux 4 kalena ku dhaawacmeen, duqeyntuna begsatay goob ganacsi iyo guri sida y hadalk udhigeen.