Saturday, April 12, 2025
HomeAll NewsKooxda Xuuthiyiinta oo Markab Mareykanku Leeyahay ku Weeraray Badda Cas.

Kooxda Xuuthiyiinta oo Markab Mareykanku Leeyahay ku Weeraray Badda Cas.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa dib ubillaabay weeraradii ay ku beegsanayeen maraakiibta isaga goosha badda Cas ee ay leeyihiin reer Galbeedka iyo Yahuudda, ama kuwa ku sugan ee xukuumadda Washington.

War kasoo baxay malleeshiyadan ayaa lagu sheegay, in Markab nooca xambaara diyaaradaha ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka ay ku beegsadeen Waqooyiga badda Cas.

Weerarkan ayey sheegeen Xuuthiyiintu iney u adeegsadeen duqeyn diyaaradeed, gentaallo Balaastik ah iyo hub kale.

Markabka la beegsaday ayaa lagu magacaabaa Harry Truman waana markii labaad oo ay 24 saac gudahooda beegsadeen kooxda Xuuthiyiinta.

Weerarkan ka dhanka ah Mareykanka ee ka dhacay badda Cas ayaa kusoo aadaya, xilli saakay magaalooyin katirsan gobollada Al-xudeyda iyo Al-Jowf ee dalka Yaman duqeeyeen, diyaarado ay leedahay xukuumadda Washington.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.