Wednesday, April 9, 2025
HomeAll NewsKooxo Burcad ah oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Dalka Haiti.

Kooxo Burcad ah oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Dalka Haiti.

Booliska dowladda Hayti ayaa maalitii shalay oo talaado ahayd sheegay, in la dilay in ka badan 20 ruux oo kamid ah kooxo burcad ah oo rabay iney weerar kusoo qaadaan, mid kamid ah xaafadaha magaalada caasimadda u ah dalkaasi.

Wuxuu sheegay iney weerarka lagu laayay malleeshiyadan ay qeyb ka ahaayeen dadka magaalada oo ku heysan baangado iyo Burisyo, dagaalka lala galay kooxahan dhacay xilli habeen ah.

Afhayeenka Booliska dowladdaasi ayaa sido kale xilli uu la hadlayay idaacad ay leeyihiin Booliska wuxuu sheegay, iney kooxaha burcadda ah ka dhaawaceen 30 qof.

Wariye ushaqeeya wakaaladda wararka ee Reuters ayaa isaguna sheegay, inuu arkay meydad aan yareyn 25-tan oo yaalla labo xaafadood oo kamid ah magaalada caasimadda u ah wadankaasi, wuxuuna intaasi ku daray iney qaar kamid ah dadka deegaanku dab qabadsiiyeen meydadkii yiillay goobta oo taayarro hoosta kaga jiray.

Kooxahan dalkaasi ka jira ayaa lagu eedeeyay iney ku kaceen falal ay kamid yihiin, kufsi wadareed iyo afduubka dadka oo haddii ay qabtaan madax furasho ka qaataan.

Dowladda dalkaasi ayaa qaati ka taagan kooxahan, waxayna waxa loogu yeerro golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2022-kii ka dalbtay iney usoo diraan ciidamo ka taageera Booliskooda ladagaallanka kooxahan, hase ahaatee wali ma ayasan soo gaarin, marka laga reebo qeyb yar oo kamid ah ciidankii loogu talagalay in loosoo diro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.