Wararka laga helayo ismaamulka Narok ee dalka Keyna ayaa tilmaamaya, in xero ciidan oo ku taalla ismaaamulkaasi ay werar ku qaadeen kooxaho hubeysan.
Weerarka ayaa yimid kadib markii ciidamadii halaasi ku sugnaa malmo kahur lagu amray in ay xerada kabaxaan.
War kasoo baxay Boliska ismaamulka Narok ayaa lagu shegey , in kooxaha werarka geestay ay burburin balaaran ugeesteen xerada ciidamda , agbayo ciidanka lahaayeena ay horey u qaateen.
Dhanka kale, kooxo lagu sheegey burcad ayaa wax ay labo ruux ku dileen ismaamulka Baringo, xili uu halaasi kusugnaa wasiirka amniga ee ismaamulkaasi.
Kooxihii dilka geystay ayaa lasoo warinayaa iney goobta isaga baxsadeen, waxayna tani walaac ku abuurtay dadka ku dhaqan ismaamulkaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay wajahaya amni darro baahsan.
Deegaanada ka tirsan islmaamulkaan aye wararku sheegayaaan, in ay yihiin kuwa ay ku xoogeysteen kooxah burcada ah ee dilalka iyo dhaca geysta.