Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay wali la kulmayaan tacaddiyaadka joogtada ah ee isugu jira dilalka, dhaca iyo xadgudubyada kale ee ay geysanayaan kooxaha burcadda ah.
Mid kamid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay burcaddu ku dhibaateeyeen Soomaalida ku dhaqan dalkaas ayaa waxa ay tahay, in kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ay qoys Soomaali ah ka hor istaageen, iney isbitaalka geeyaan wiil yar oo ka xanuunsanayay.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha internetka si weyn uqabsaday, muuqaal laga soo duubay kooxda burcadda ah oo ihaaneysanaya qoyskaan Soomaaliyeed, iyagoo ka hor istaagaya in wiilka yar ah ku dabiibaan isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg ee gudaha dalkaas.