Hawlgal ay maanta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen aagga degaanka Mooro-Eri ee dhaca duleedka magaalada Moqokori oo katirsan gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu dilay askar katirsan Dowladda Fedaraalka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi lagu dilay 7 askari, halka lagu dhaawacay 2 kale, waxaana helnay qaar kamid ah magacyada askarta la dilay iyo kuwa la dhaawacay.
Askarta dhimatay waxaa kamid ah:
1-Cabdullaah Cali Raage (Raafeey)
2-Maxamed Cusmaan Dhicisow
3-Maxumed Cali Xaalle
4-Maxamed Cusmaan Cawaale (Lugaweyne)
Sido kale askarta la dhaawacay ayaa kala ah:
1-Shuuriye Beenle
2-Muuse Yuusuf Burureey