Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo dhaqdhaaqyo ka waday qeybo kamid ah gobalka Galgaduud.
Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobalkaGalgaduud, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Ugu yaraan 6 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay weerarkaan ka dhacay duleedka magaalada Dhusamareeb.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerarka kusoo furteen 6 qori oo ay wateen askarta la dilay iyo booshashkooda.