Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 10 Maxaabiis ah oo ka Baxsatay Xasbi ku Yaalla Dalka...

Ku Dhawaad 10 Maxaabiis ah oo ka Baxsatay Xasbi ku Yaalla Dalka Kenya.[DHAGEYSO]

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in tiro maxaabiis ah oo ku eedeysnaa dabiyo kala duwan ay ka baxsadeen, xabsi ku yaalla mid kamid ah ismaamullada katirsan dalka Kenya.

Ugu yaraan 8 maxaabiis ah ayaa la xaqiijiyay iney ka baxsadeen, xabsi ku yaalla deegaanka Wundanyi oo katirsan ismaamulka Taiva Taveta ee gudaha dalkaasi Kenya.

Boliska xukuumadda Nairobi ayaa billaabay howlgallo ay ku baadi-goobayaan, sideeda maxaabiista ah ee la xaqiijiyay iney xabsiga ka baxsadeen, kuwaas oo aan la garaneyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Masuuliyiin katirsan Boliska Dowladda Kenya ayaa sheegay , in dhammaan sideeda maxaabiista ah ay baxsadeen maalintii shalay, kadib markii ay jabiyeen saqafka xabsiga.

Illaa iyo hadda lama oga sida ay maxaabiistaani ugu suuragashay iney ka gudbaan dhammaan ciidankii ilaalada ka hayay xabsiga oo ay iyagoo bad qaba ka baxsadaan halkaas.

Waxa ay ku eedeysnaayeen dambiyo kala duwan oo ay kamid yihiin xatooyo, kufsi, dhaawacyo ay geysteen iyo falal-dambiyeedyo kale, waxaana ay Dowladda Kenya dadka rayidka ah ka codsatay in ay soo gaariyyaan haddii ay helaan wax macluumaad ah oo ku saabsan maxaabiista baxsatay.

Dhowr jeer oo hore waxaa xabsigaan ka dhacay falal nuucaan oo kale ah, waxaana 15 bishii July ee sanadkii 2024 xabsiga ka baxsaday, 12 ruux oo u dhalatay dalka Eretrea kuwaas oo lagu eedeeyay iney si sharci darro ah ku joogeen dalka Kenya, iyo ruux loo heystay inuu dil geystay.

Halkaan ka Degso Warka Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.