Dalka Mareykanka waxaa ku dhafatay duufaan xooggan oo dhalisay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.
Duufaantan ayaa cagta marisay magaalooyin dhowr ah oo katirsan dalka Mareykanka, waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 ruux oo 3 kamid ah caruur yihiin.
Sido kale waxaa ku burburay guryo badan, maadaama dabeyshu ahayd mid xooggan oo halkii ay soo marto waxyeello xooggan gaarsiineysa.
Muuqaal laga duubay duufaantan ayaa muujinaya awoodeeda iyo sida ay durbaba u ekaaneyso halkii ay soo marto, waxaana la arkayaa iyadoo guryaha saanqaafkooda kore si deg deg ah islamarkiiba ku qaadeyso iskuna jejebineyso.