Monday, July 7, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 10 Ruux oo ku Geeriyootay Shil ka Dhacay Dhulka Soomaali-galbeed.

Ku Dhawaad 10 Ruux oo ku Geeriyootay Shil ka Dhacay Dhulka Soomaali-galbeed.

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya ayaa ku waramaya, in shil gaari oo geystay khasaare nafeed uu ka dhacay mid kamid ah magaalooyinka ku yaalla dhulkaas.

Shilka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay magaalada Gursum oo katirsan gobalka Faafan ee ay gumeysato Itoobiya, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 ruux.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaan ku nafwaayay 6 ruux, kuwaas oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga shilka galay oo nuuciisu ahaa Bas.

Waxaa intaa dheer oo lasoo warinayaa iney jiraan tiro dad ah oo ay dhaawacyo kasoo gaareen shilkaan, walow aan illaa iyo hadda laheyn tiradooda rasmiga ah.

Gaariga Baska ah ayaa waxa uu sidoo kale dulmar mooto Bajaaj mareysay wadada, waxaana sawirro laga soo qaaday goobta ay muujinayeen burbur xooggan oo soo gaaray mootada iyo gaariga.

Dhulka Soomaaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itooobiya ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay shilal gallaaftay nolosha dad badan ayna ku dhaawacmeen kuwa kale.

Halkaan ka Degso Warka Shilka

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.