Dad fara badan oo shacab ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku shahiiday duqeymaha laayaan ah ee uu kayyaanka Yahuuddu ka wado marinka qazza, iyadoo maalinkii 93-aad laga jooga tan iyo markii uu gumaystaha jabiyay heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee marinka Qazza, isla markaana uu dib u billaaway dagaalka dabar-goynta ah.
Ugu yaraan Afar iyo Sodon qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen subaxnimadii maanta oo Arbaco ah rasaas iyo duqeymo ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen dhowr goobood oo ka tirsan xayndaabka go’doonsan ee Qazza.
Dadkan ayaana badankooda ku shahiiday ama ku dhaawacmay duqeymo iyo rasaas uu gumaystaha Yahuuddu ku qaaday bartamaha marinka Qazza, waxaana kamid ah shahiidka kow iyo Toban qof oo rayid ah iyo dhaawaca tobanaan qof, kuwaas oo gumaystaha Yahuuddu uu rasaas iyo madaafiic la dhacay iyagoo gargaar ku sugayay meel u dhow Waadi-Qazza ee bartamaha marinka Qazza.
Marka intaasi lagu daro, duqeyn uu gumaystaha Yahuuddu ka geystay xerada qaxootiga ee Maghaazi ee isla bartamaha marinka Qazza, taas oo si gaar ah u beegsatay hal qoys oo Falastiini ah, waxaana ku shahiiday sida ay xoguhu tilmaamayaan Toban qof oo kala ahaa Aabahii iyo Hooyadii qoyskaas iyo carruurtii ay dhaleen, Allaah dhamaantood ha u naxariistee.
Dhanka Qazza, inta la xaqiijiyay Siddeed qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada gumeystaha Yahuuddu ay duqeeyeen guri ku yaalla xaafadda Azeytuun ee magaaladaas.
Halka duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu la eegteen teendhooyin ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla mandiqadda Cadhaar ee ka tirsan deegaanka Al-Mawaasi ay ku shahiideen, Shan qof oo ay ku jireen Labo waalid, iyo laba caruur ah oo ay dhaleen, iyadoo ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay.
Ciidamada Yahudda ayaa maalintii shalay xasuuqyo wuxuushnimo ah ka geystay Marinka Qazza, kuwaas oo ay shuhado ku noqdeen dad gaaraya 93 qof, oo ay ku jireen 60 qof oo gargaar bini’aadantinimo ku sugayay koonfurta Marinka Qazza, sida laga soo xigtay ilo caafimaad oo ku sugan isbitaallada Qazza.
Deegaannada ugu badan ee shalay marti galiyay duqeymaha laayaanka ah ee Yahuudda waxaa kamid ahaa magaalooyinka Khaan Yuunis, Rafax, Qazza, deegaan Al- Mawaasi iyo deeganno kale oo dhaca koonfurta, waqooyiga illaa bartamaha marinka go’doonsan ee Qazza.
Duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen dad gargaar ku sugayay agagaarka Magaalada Khaan Yuunis oo kaliya ayaa waxaa ku shahiiday Kow iyo Konton qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen, in ka badan Labo Boqol oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza.
Kayyaanka Yahuudda ee tabarta, itaalka iyo taagta daran ee lagu hayo dhulka Muslimka ah ee Falastiin ayaa caadaystay xasuuqidda, gaajaysiin iyo daadinta dhiiga dadka marasta ah ee ku nool marinka Qazza, isagoo ku fashilmay sida uu isagaba qirtay inuu soo afjaro dagaalyahannada muqaawamada Falastiin ee malin walba burburka dhismayaasha dhexdooda ku u gaarsanaya askartiisa iyo saraakiishiisa ugu sar-sarayso.