Xoolo ka badan 80 kun oo neef oo Ari ah ayaa habeen hore laga dhoofiyay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kuwaasoo ay qaadeen 2 markab iyo 5 doomood, waxaana loo qaaday wadamada Suucuudiga, Yaman iyo Cumaan.
Xoolahan oo kamid ah waxbaaha ay dhuufiso Soomaaliya ayaa waxaa iska leh ganacsato Soomaaliyeed, waxaana kamid ah meelaha kale ee laga dhuufiyo dekadda Berbera.
Tallaabadan ayaa ah mid dadka Soomaaliyeed kusii dhiirigelineysa iney ku dadaalaan dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan oo uu dalkeyna hodon ku yahay, taasi oo keeni karta in dhaqaalaha wadanku kobco.