Saturday, April 26, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 15 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weerar ka...

Ku Dhawaad 15 Askari oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Weerar ka Dhacay Duleedka Yasooman.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar ku qaadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa duleedka deegaanka Yasooman ee gobalka Hiiraan.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay ciidamadii Dowladda Fedaraalka ee ku sugnaa duleedka Yasooman.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi lagu dilay 6 askari oo katitsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo uu ku jiray sarkaal katirsan Sirdoonka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Nuur Axmad [Timajilac].

4 Kamid ah meydadka askarta la dilay ayay ciidamadu kaga carareen goobta dagaalka, waxaana sidoo kale weerarka lagu dhaawacay 3 askari.

Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarka kusoo furteen 2 qori oo AK-47 ah iyo 3 boosh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.