Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar cagmarin ah ku qaaday, xero ay askarta Dowladda Fedaraalku ku lahaayeen duleedka degaanka Ceel-Qooxle ee gobolka Hiiraan.
Weerarkaasi cagmarinta ah ayaa dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyeed oo gaaray Dowladda Fedaraalka, waxaana ku dhintay 10 askari, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale.
Sido kale waxay Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaalkan kula wareegay gaari Nooho ah, iyagoo askartii ku sugneyd saldhigga la weerarayna ka furtay hub noocyo kala duwan leh oo ay wateen.
Dhanka kale waxaa inoo suuragashay inaan helno qaar kamid ah magacyada askartii la dilay iyo kuwa la dhaawacay intaba.
Askarta la dilay ee aan magacyadooda helnay waxaa kamid ah:
1-Abuukar Cusmaan Xaalle.
2-Gaabow Cabdullaahi Cilmi waa sarkaal.
3-Yuusuf Barqadle Xuurshow (Gololey)
4-Cumar Muumin Sanqoolle.
5-Muuse Cabdi Makaraan Ciydheere.
6-Shariif Geelle Axmed Garaad.
Askarta la dhaawacay ee aan magacyadooda helnay waxaa kamid ah:
1-Muuse Cali Xaalle Waasuge (Naliye)
2-Xusseen Biyow Guurre (Cali Rarte)
3-Cabdulle Jimcaalle Junbur (Jarjar)
4-Colow Guurre Hagar waa sarkaal waana dhaawac.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kahor duleedka degaankaasi lagu laayay, askar badan oo katirsan Dowladda Fedaraalka.