Saturday, May 24, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 20 qof oo ku Dhaawacmay Weerar Mindiyeyn ah oo ka...

Ku Dhawaad 20 qof oo ku Dhaawacmay Weerar Mindiyeyn ah oo ka Dhacay Dalka Jarmalka

Werar loo adeegsaday toorreey oo khasaare badan dhaliayay ayaa jimcihii lagu qaaday xarun laga raaca  tareenada oo ku taalla magaalada Haambuurij  ee waqooyiga dalka Jarmalka, sida laga soo xigtay  booliiska dalkaas.

Booliiska dalka Jarmalka ayaa maanta oo sabti ah xaqiijiyay, in 18 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas, waxayna sheegeen booliiska, in afar ka mid ah dadkaas ay soo gaareen dhaawacyo halis galinaya noloshooda, halka lix kamidna ay xaaladoodu aad u liidata. iyagoo xaqiijiyay, in la qabtay shakhsigii weerarka geystay.

Waxayna intaaasi ku dareen booliiska, in fuliyaha weerarka ay ahayd haweeney 39 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka, taas oo si aan kala sooc lahayn u toorriyaysay dadkii  ku sugnaa goobta tareennada laga raaca ee magaalada Haambuurij, taas oo kamid ah xarumaha gaadiidka dadweynaha ee ugu mashquulka badan Jarmalka.

Baarayaasha dhacdadaan ayaana sheegay, inay haweenaydaan kaligeed fulisay weerarkaan, iyagoo meesha ka saaray wax siyaasad ah oo ka dambeysay dhacdadan, waxayna soo jeedinayaan, in haweeneydu ay maskax ahaan u xanuunsan tahay.

Axadii ina dhaaftay, afar qof ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday tooreey oo ka dhacay baar ku yaalla magaalada Bilifeldi ee dalka Jarmalka, kaas oo ay wali socdaan baaritaannadiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.