Magaalada Kinshaasa ee caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa waxa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay roobab mahiigaan ah oo sababay dhimasho iyo burbur hantiyadeed, sida ay maanta warbaahin u sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Roobabkan oo ku soo beegmay waqti aan xilli-roobaad u ahayn Koonga ayaa sababay burbur baaxad leh oo soo gaaray magaalada, waddooyinka oo biyo ay fariisteen, adeegyadii iyo kaabayaashii dhaqaalaha oo hakad galay, isla markaana sababay koronto iyo biyo la’aan baahsan.
Xagga kasaaraha nafeed mas’uuliyiinta deegaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 29 qof, kuwaas oo sida ay xogaha tilmaamayaan ku dhintay roobabka ka da’ayay caasimadda oo kaliya.
Godoomiyaha Kinshaasa ayaa sheegay, in daadgureynta iyo dib u dejinta ku meel gaarka ah ay socdaan, isagoo ku booriyay dadka deegaanka inay kor u qaadaan wacyiga ku saabsan khatarta musiibada ayna qaadaan talaabooyinka ka hortagga ah ee lagama maarmaanka ah.
In kasta oo dalkaas uu ku jiro xilligii jiilaalka, haddana roobabka la diiwaan geliyay ayaa gaaray 90 milimitir, taasoo ah tii ugu sarreysay xilligan oo kale sannadihii u dambeeyay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa maamulka saadaasha hawada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.
Xilli-roobabaad Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koonga ayaa caadi ahaan socda bilaha Noofambar ilaa Meey ee sanadka, balse saadaasha hawada ee dalkaas ayaa tilmaamaysa, in roobab mahiigaan ah la filayo inay sii socdaan maalmaha soo socda, kuwaas oo sababi kara khasaare hor leh oo soo gaara magaalada caasimadda ah ee Kinshaasa , taas oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaasa Todobo iyo Toban Milyan oo qof.