Maamullada Yukrayn ayaa ku dhawaaqay in habeenkii xalay ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka duqeymo xooggan ku garaaceen magaalada Kharkiif ee dhacda waqooyi-bari ee dalkaas, duqeymahaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca ugu yaraan 28 kale.
Duqa magaalada Kharkiif ayaa saxaafadda u sheegay, in 17 weerar oo dhanka cirka ah ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka la beegsadeen laba aag oo ka tirsan magaalada, isagoo intaasi ku daray, in daqiiqado kadib, lasoo gaarsiiyay warbixinno ku saabsan dadka ku waxyeeloobay duqeymahaas.
Ruushka ayaa maalmahaan danbe aad u laba jibaaray duqeymaha uu ka geysanaya magaalooyinka waawayn ee Yukrayn, taas oo ay dadka waxtaxliiliya ku sheegeen, inay qayb ka tahay jawaabaha ay Mosko ka bixinayso duulaankii ay dhawaan Kiyeef ku qaaday shan garoon diyaaradeed oo ku yaalla gudaha Ruushka.