Markab dagaal oo aad u weyn oo ay leeyihiin ciidamada badda Miksiko ayaa ku dhacay buundo ku taallo magaalada Niyuu-Yook ee carriga Mareykanka, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca tiro badan oo ka mid ah dadkii markabka saarnaa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dab-damiska ee dalkaas.
Markabkaan oo lagu magacaabo Kuuwaawtiimuuk ayaa siday dad tiradoodu lagu sheegay 277 qof, oo u badan arday baranaysay cilmiga caskariga, waxaana Inta la xaqiijiyay shilkaan ku nafwaayay labo qof, halka ay ku dhaawacmeen 34 qof, sida uu xaqiijiyay duqa magaalada Niyuu-Yook.
Dhankooda, ciidamada badda ee Miksiko ayaa bartooda “X” ku soo daabacay, in markabka uu soo gaaray cillad ka hor istaagtay inuu sii wato safarkiisa.
Muuqaalo laga soo duubay goobta uu shilku ka dhacay ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu daawan karo markabka oo hoosmaraya buundada magaalada Niyuu-Yook, kadibna ay burburayaan shiraacyadiisa markii ay ka gudbi waayeen buundada maadaama ay shiraacyadu ahaayeen kuwa joog ahaan ka sareeyo buundada.
Markabkaan oo u adeega arday ku jirta akaadiyadaha caskariga ee dalkaas ayaa 6-dii bishii Abriil ee ina dhaaftay kasoo shiraacday dekedda magaalada Akaabuulakuu ee dalka Miksiko, waxaana lagu waday inuu booqda 22 dekedood oo ku kala yaalla 15 waddan, halkaas oo ardayda lagu tababaro.