Wednesday, May 14, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 40 Ruux oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Shil ka...

Ku Dhawaad 40 Ruux oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Shil ka Dhacay Itoobiya.

Shilkan gaari oo geystay khasaaro kala duwan ayaa maalintii shalay ka dhacay degaanka Senen Dugo ee galbeedka Hararge oo hoos-taga ismaamulka Oromada.

Waxaan halaasi ku dhintay illaa iyo 11 ruux sida ay warbaahinta gudah dalka Itoobiya soo warineyso, halka ay dhawacyo kala duwan soo gareen 25 ruux oo kale.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga shilka galay uu kasoo amba baxay magaalada Waldaya ee xarunta gobolka Wollo, kuna sii jeeday magaalada Mesela ee galbeedka Hararge.

Gaariga shilka galay oo ahaa mid rakaab ah ayaa waxaa sarnaa 42 ruux iyo agabyo kala duwan oo ay wateen gaariga ayaana rogmaday.

Halkaan ka Degso Warka Shilka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.