Dagaalada ka socda magaalada Al-Faashir ee dalka Suudaan ayaa sii xoogaynaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka dhacayeen iska hor imaadyo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dawladda Suudaan iyo kuwa maleeshiyaadka Taageerada degdegga ah, waxaana khasaare xooggan uu soo kala gaaray dhinacyadii ay dirirtu ku dhex martay magaaladaas.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada ee dawladda Suudaan ayaa lagu xaqiijiyay in dagaallo ka dhacay magaalada Al-Faashir lagu dilay in kabadan 245 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Dacmu Sariic, halka la dhaawacay 133 kale, waxaana intaas sii dheer in dagaaladan maleeshiyaadka looga qabsaday 17 gaari oo nooca dagaalka ah, iyadoo laga gubay kuwo kale.
Dhanka kale, maleeshiyaadka Taageerada degdegga ah ayaa gobalka ka gaysanaya duqaymo aan loo meel dayin, kuwaas oo beegsanayaan xarumaha dadwaynaha iyo kaabayaasha rayidka ee magaalada Al-Faashir, halkaas oo ay ku dileen kuna dhaawaceen saacadihii u damabeyay ku dhawaad 80 qof oo shacab ah.
Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa warbaahinta u sheegay in madaafiicda culus oo lagu garaacay magaalada ay ku dhinteen illaa 3 qof oo rayid ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 75 kale. Dagaalada kasocda magaaladan ayaan sii xoogaysanaya marba marka kasii dambaysa, waxaana kooxaha caafimaadka lagu khasbay inay albaabada u laabaan dhamaan xarumaha ay ku leeyihiin magaalada Al-Faashir.
Ilo-wareedyo militari ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka Dacmu sariic ay xoojiyeen duqeymaha ay ku garaacayaan xerooyinka barakacayaasha, waxayna madaafiic culus ku garaaceen xerada Abu Shook ee u dhow magaalada Al-Faashir, xooggagan ayaa sidoo kale beegsaday Xarunta qeybta Lixaad ee ciidanka dawladda Suudaan ay ku leeyihiin magaaladaas, iyagoo ugu dambayn weerar dhulka ah ku qaaday dhufaysyada ay ciidamada Suudaan kaga sugan yihiin magaalada.
In ka badan hal sano, xoogagga Taageerada Degdegga ah ayaa isku dayaya inay gacanta ku dhigaan magaalada Al-Faashir, oo ku taalla meel masaafo ahaan 800 oo kilomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Khartoum, waxayna weeraro isdaba joog ah ku qaadeen magaalada iyo laba xero oo waaweyn oo ay ku nool yihiin kumanaan barakacayaal ah.