Sunday, July 6, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 50 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka...

Ku Dhawaad 50 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Hiiraan.

Faahfaahin ayaa laga helayaa khasaaraha ciidamada Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay dagaallo maanta ka dhacay duleedka magaalada Moqokori ee gobalka Hiiraan.

Dagaalladan oo askarta Dowladda Fedaraalka lagu jabiyay tiro ka badan afar jeer ayaa waxaa looga dilay 18 askari, oo 12 kamid ah ay uga carareen goobta dagaalka, halka laga dhaawacay 30 kale.

Askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira saraakiil iyo askar aan magacyadooda helanay waxaana kuwa dhintay kamid ah:

1-Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle.
2-Aadan Ibraahim Fidhig (Ilbir)
3-Xasan Abiikar Aadan.
4-Xasan Taakaay-waa sarkaal waana dhintay.
5-Cabdullaahi Muumin Dhaladheere.
6-Axmed Muumin Cilmi Iidow.
7-Cabdi Xuseen Axmed.
8-Shariif Cali Yuusuf Barow.

Sido kale askarta dhaawacantay waxaa kamid ah:

1-Daahir Xuseen Maalin waa sarkaal, dhaawac culus ayaa gaaray.
2-Shiikhdoon Maxamed Xundubeey.

Guud ahaan markii la isku daro dhimashada iyo dhaawaca maanta gaaray ciidamadii Dowladda Fedaraalka ee ku jabay dagaalladii ka dhacay duleedka Moqokori waxay gaarayaan 48 askari oo ay saraakiil ku jiraan, kuwasoo ay 12 kamid ah ka carareen meydadkooda sida aan ku xusnay bilowga warbixinta, waxaana khasaare baaxad leh oo hal maalin kaliya gaaray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.