Thursday, April 24, 2025
HomeWarka GudahaKu Dhawaad 50 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerarro ka...

Ku Dhawaad 50 Askari oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerarro ka Dhacay Wargaadhi iyo Duleedkiisa.

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Millateriga Xarakad Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa saakay aroornimadii hore weerar ku ekeeyay, saldhigyo ay ciidank Dowladda Fedaraalku ku lahaayeen degaanka Wargaadhi ee gobolka Sh/Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid culus, ayaa waxaa askarta Dowladda Fedaraalka lagu gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyo sido kale burburinta qalab muhiim ah oo halkaasi yiillay.

Ugu yaraan 25 askari ayaa lagu dilay dagaalkan, waxaana lagu dhaawacay 12 kale, tirada isugu geynta dhimashada iyo dhaawaca ayaana noqoneysa 37 askari, kuwaasoo uqeybsamay wax dhintay iyo kuwa dhaawacyo ah.

Dhanka kale qarax lala eegtay gaari Cabdi-Bile ah oo ay saarnaayeen ciidanka Dowladda Fedaraalka kana dhacay duleedka degaanka Wargaadhi, ayaa waxaa ku dhintay 7 askari halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Isugeynta khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ah ee ka dhashay weerarada ka dhacay Wargaadhi iyo duleedkiisa, ayaa ah 47 dhimasho iyo dhaawac ah, dhimasho 32 askari, dhaawacuna waa 15 kale.

Halkan ka Degso Xogta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.