Waxaa isa soo tareysa walaaca ay muujinayaan maxaabiista ku xiran xabsiyada maamulka Ala-Sucuud ee lagu xukumay dilka toogashada ah.
Qoysaska 47 maxaabiis Itoobiyaan ah ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, iney walaac xooggan ka qabaan masiirka dadka uga xiran xabsiyada Sucuudiga, kuwaas oo la tilmaamayo in la dili doono ciidda kahor.
Nin la dhashay mid kamid ah maxaabiista dil sugayaasha ah ee ku xiran xabsiyada Sucuudiga oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in markii uu maqlay xukunka lagu riday walaakiis uu aad uga naxay.