Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 50 Ruux oo ku Dhintay God Dahabka Laga Qodo oo...

Ku Dhawaad 50 Ruux oo ku Dhintay God Dahabka Laga Qodo oo Kula soo Dumay Dalka Mali.

Maalintii shalay oo sabti ahayd waxaa galbeedka dalka Mali ku dhintay 48 ruux kuwaasoo la sheegay inuu kusoo dumay god Dahabka laga qodo, sida ay sheegeen Booliska xukuumadda Bamako.

Dadka qaar oo ay ku jirtay haweeney cunugeeda dhabarka ku wadata ayey Boolisku sheegeen iney ku dhex dhaceen biyo sidaasina ku dhinteen.

Waxay xogu sheegayaan in sido kale dadka dhintay badankood ahaayeen Dumar, waxayna arrintani muujineysaa halista lagala kulmi karo goobaha noocaan oo kale.

Wadank Mali ee dhaca qaaradda Afrika islamarkaana hodon ku ah kheyraad uu kamid yahay Dahabka, ayaa lagu tilmaamaa inuu ku jiro kuwa ugu faqrisan Caalamka, waxaana ugu wacan inuu tilmaantaasi inuu qaato, shirkadaha shisheeye ee reer galbeedka oo iska guranaya kheyraadkiisa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.