Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weeraro cagmarin ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta aroortii hore ku qaadeen, xeryo ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin duleedka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Xeryaha la weeraray oo 2 ahaa ayaa waxa ay ku yaallaan deegaanka Bur-jaad ee dhaca duleedka magaalada Beydhabo, waxaana weerarada ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah udhigay, askarta katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo gurmad ahaan usoo aaday xeryaha cagta la mariyay, dib ayaana loogu celiyay Beydhabo iyagoo khasaare dhabarka ku sita.
Tirada askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed looga dilay weeraradaan ayaa waxa ay gaartay 23 askari oo ay saraakiil ku jiraan, halka lagu dhaawacay 36 kale oo iyana ay saraakiil kamid yihiin.
Xubnaha lagu dilay weerarada ayaa waxaa kamid ahaa, Miris Isxaaq Baraar oo ahaa Taliye ku xigeenkii ciidamada Taraafikada ee gobalka Baay ugu magacownaa maamulka la baxay Koonfur-galbeed, Maxamed Leezi oo ahaa sarkaal Xidigle ah, iyo Nuurow Shiimow oo ahaa Sarkaal Kabtan ah, halka kuwa la dhaawacayna uu ku jiro sarkaal Xidigle ah oo lagu magacaabo Iimaan.
Waxaa intaa dheer maxaabiis, hub iyo agabyo millatari oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
.