Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gobalka Hiiraan ayaa waxa ay fuliyeen, weeraro culus oo khasaare dhaliyay islamarkaana ay kula wareegeen saldhigyo ciidan
Weerarada oo 2 ahaa ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen duleedka deegaanka Ceel-qooxle ee degmada Moqokori oo katirsan gobalka Hiiraan.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraradaan kula wareegay, 2 xero oo ku yaalla duleedka deegaanka Ceel-qooxle, kuwaas oo ay ku sugnaayeen askarta Dowladda Fedaraalka.
Inta la xaqiijiyay waxaa weeraradaan lagu dilay lagu dilay 37 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, halka lagu dhaawacay 20 kale.
Waxaa suuragal ah in khasaaraha gaaray ciidamada Dowladda Fedaraalka uu intaasi ka badan yahay, wixii tafaasiil ah ee kusoo kordhana waxaan idiin soo gudbin doonnaa insha’allaah.