Sunday, June 29, 2025
HomeAll NewsKu Dhwaad 20 Askari oo Lagu Dilay Weeraro Culus oo Ka Dhacay...

Ku Dhwaad 20 Askari oo Lagu Dilay Weeraro Culus oo Ka Dhacay Dalka Burkiina-Faso.

Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam oo weerarro xooggan ka wada wadamada Saaxilka Afrika ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday hawgallo culus oo lagu naafeeyay askarta dalka Burkiina-Faaso, kuwaas oo u daatay saldhigyo isku raran ah oo ay ka hawlgalaan boqolaal askari iyo maleeshiyaad calooshood u shaqaystayaal ah oo ka barbar dagaalama kuwa dawladda.

Weeraradan ayaa lagu beegsaday saldhigyo milatari oo ay leeyihiin ciidamada Burkiina-Faaso oo ku kala yaalla gobollada kala ah Kayaa, Didughu iyo Kulbileegho. Howlgalladan oo isugu jiray weerarro toos ah iyo joojinta dhaqdhaqaaqyo militari ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 20 askari oo ka tirsanaa milatariga Burkiina-Faaso.

Weerarka koowaad uguna khasaaraha badnaa ayaa dhacay shalay Sabtidii, waxaana lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Kulboro ee ka tirsan gobolka Didughu. Weerarkan oo ahaa mid si heer sare loo diyaariyay, ayaa lagu dilay 10 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burkiina-Faaso. Intaa waxaa dheer in mujaahidiintu ay gacanta ku dhigeen laba qori oo daba-jeexyo ah, 12 qori oo AK-47 ah, Siddeed mooto oo nooca laba lugooda ah iyo diyaarad daroon ah. Weeraradan ayaa sidoo kale lagu burburiyey tiro gaadiid ah oo ay wateen ciidamada la laayay, kuwaas oo aan cadadkooda la sheegin.

Isla shalay Sabtidii waxay sidoo kale, mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla tuulada Sudubaliin ee gobolka Kulbilegho. Inta la xaqiijiyey, waxaa hawgalkaas lagu dilay 4 askari, waxaana gacanta lagu dhigay Afar qori oo nooca Ak-47-ka ah oo ay wateen askarta la laayay, sida ay sheegtay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa habeenkii ay Sabtidu soo galaysay fuliyay weerar najaxay oo looga hortagayay dhaqdhaqaaqyo milatari oo ay ciidanka Burkiina-Faaso ka wadeen duleedka deegaanka Jabuu ee gobolka Kayaa. Inkastoo aan lasoo warin wax khasaare ah, hadana talaabadan ayaa muujinaysa awooda jihaadiyiinta ee dhanka Istikhbaaraadka, kuwaas oo la socda dhaqdhaqaaq walba oo ay sameeyaan ciidama dawladda.

Dhinaca kale, Jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa sidoo kale Arbacadii lasoo dhaafay fuliyey weerar culus oo lagu qaaday bar ciidan oo ay milatariga dalka Burkiina-Faaso ku lahaayeen deegaanka Fuurghi oo ka tirsan gobolka Kayaa. Weerarkaas ayaa lagu dilay illaa 3 askari, waxaana lagu la wareegay hal qori oo daba-jeex ah, mid hoobiye ah, Afar qori oo AK-47 ah, laba mooto oo nooca dhugdhugleeyda ah iyo hub kale oo milatari.

Weerarradan isdaba-jooga ah ee lagasoo tabinayo gobollada kala duwan ee dalka Burkiina-Faaso ayaa muujinaya awooda sii kordhaysa ee jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin. Tirakoob guud oo lagu sameeyay hawgaladii dhacay bishii Dul-Xijah ee u dambaysay Sanadkii ina dhaafay 1446 Hijriyah ayay mujaahidiintu ku sheegeen in ay dileen, in kabadan 500 oo askari oo iskugu jira ciidamada dalalka Saaxilka iyo kuwa shisheeye, kuwaas oo falal arxan daran ah kula kacayay dadka muslimiinta ah sanadihii u dambeeyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.