Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsKudhawaad 100 Qof oo ku Dhintay Dab Qabsaday Hotel ku Yaala Turkiga.

Kudhawaad 100 Qof oo ku Dhintay Dab Qabsaday Hotel ku Yaala Turkiga.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa dab wayn waxa uu ka kacay, hotel ku yaalla gobolka Boolo ee dhaca Waqooyi Galbeed Dalka Turkiga.

Hotelkan oo ku yaalla mandiqad barafku dego, ayaa habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay waxaa ka kacay, dab dhaliyay khasaare nafeed iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, marka laga soo tago hantida halkaasi ku gubatay.

Tirada dhimashada oo ah mid aad ubadan, ayaa marba marka ka dambeysa isa soo tareysa, waxayna haatan mareysaa 76 qof oo dhimasho ah, dhaawacuna wuxuu kor udhaafayaa 50 Ruux.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta dhalisay dabkan, dhismaha hotel-ka ayaana ah mid wayn oo dabaq ah, islamarkaana ka kooban biyaanooyin badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.