Kulan ay umadalsanaayeen Xildhibaannada Dowladda Fedaraalka ayaa lasoo warinayaa inuu maanta baaqday, iyadoo arbacadii lasoo dhaafay uu dhacay kulan uu hareeyay buuq iyo gacan ka hadal oo dhexmaray Xildhibaannada.
Farriin sheegeysa baaqashada kulanka baarlamaanka ayaa loo diray xildhibaannada, iyadoo ay tani kusoo aadeyso xilli qaar kamid ah xildhibaannada horay looga mamnuucay iney soo xaadiraan fadhiyada Baarlamaanka.
Sidoo kale arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Aadan Madoobe oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka uu ku maqan yahay dalka Al-jeeriya, halkaas oo uu uga qeyb galayo shir ay yeelanayaan baarlamaannada Carabta.