Kulankaan oo ay dowro barbar socotay islamarkaana u dhaxeeyay waxgaradka degmada Buurdhoobo iyo wilaayada islaamiga ah ee Gedo ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Qoondhood ee wilaayadaas.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray halganka ka socda bariga Afrika ee ka dhanka ah Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka, waxaana kasoo baxay bayaan ay ku mideysan yihiin odayaasha iyo waxgaradka degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo.
Waxgaradka iyo Odayaasha degmada Buurdhuubo oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhankooda sheegay, iney garab taagan yihiin, halganka ka socda bariga Afrika ee ka dhanka ah Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka.
Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo Sheekh Luqmaan Abuu Anas oo gabagabadii munaasabadda kalimad ka jeediyay, ayaa waxa uu dardaaranno ujeediyay odayaasha iyo waxgaradka degmada Buudhuubo.