Kulan oo ahaa mid aad umuhiim ah islamarkaana udhaxeeyay odayaasha dhaqanka ee beelweynta Abgaal iyo maamulka Islaamiga ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa kusoo gabagaboobay degaanka Miirtaqwo ee gobolkaas, oo kamid ah deegaanadii ka xoroobay ciidanka Dowladda Fedaraalka iyo shisheeyaha Burundi.
Waxaa kasoo qeybgalay kulankan in ka badan 100 oday oo katirsan beesha Abgaal iyo mas’uuliyiinta ugu sarreeya Wilaayada Islaamiga ah ee Sh.Dhexe oo uu ugu horreeyo Waaliga Gobolka Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakudukade.