Friday, June 13, 2025
HomeAll NewsKumannaan Katirsan Shaqaalaha Dowladda Fedaraalka oo Iska Dhiibay Qaaradda Yurub.

Kumannaan Katirsan Shaqaalaha Dowladda Fedaraalka oo Iska Dhiibay Qaaradda Yurub.[WARBIXIN]

Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay sii kordheen weerarada iyo horumarrada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka sameynayaan furimaha dagaalka, islamarkaana la wareegayaan degmooyin iyo deegaanno horleh, ayaa waxaa soo baxaya warbixinno sheegaya in saraakiil iyo askar katirsan Dowladda Fedaraalka ay iska dhiibeen qaar kamid ah wadamo ku yaalla qaaradda Yurub.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya, in 3,000 oo katirsanaa shaqaalaha Dowladda Fedaraalka, isuguna jiray waxa loogu yeero shaqaalaha rayidka ah iyo saraakiil iyo askar ay iska dhiibeen qaar kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Yurub, halkaas oo ay ka raadinayaan nolol qoxootinimo ah.

Xubnahaan is dhiibay ayay xoguhu tilmaamayaan in qaarkood ay adeegsanayeen baasaboorro diblimaasi ah, waxaana badankood ay iska dhiibeen qaar kamid ah dalalka Yurub, sida Talyaaaniga, Ireland, Switzerland iyo Jarmalka.

Sidoo kale saraakiil katirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda, iyo shaqaalaha caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka ayaa la xaqiijiyay iney magangalyo siyaasadeed ay weydiisteen dalal ay booqanayeen.

Waxaa intaasi dheer in saraakiil ciidan iyo boqallaal askari ay tahriib ahaan u aadeen qaaradda Yurub, iyagoo sii maray dalalka Liibiya iyo Niger, intaas kadibna doonyo ka raacay dalka Al-Jeeriya, halkaas oo ay uga sii gudbeen qaaradda Yurub.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in qaar kamid ah saraakiisha Dowladda Fedaraalka ee dibadda u cararay ay ehelladooda u sheegeen iney ka baqayaan weerada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayna ka quusteen dowladdii ay u shaqeynayeen, sidaas darteedna ay go’aansadeen iney isaga baxaan islamarkaana ay dalka isaga cararaan.

Qaar kamid ah falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya, in saddaxdii bilood ee lasoo dhaafay kumannaan saraakiil iyo askar ah oo isaga firxaday furimaha dagaalka hubkana iska dhigay islamarkaana u taahriibay dalka dibaddiisa ay muujineyso burburka soo wajahay Dowladda Fedaraalka.

Waxaa arrintaaan sii xoojinaya, fadeexaddii ugu dambeysay ee ay Dowladda Fedaraalka kala kulantay wafdigii ay dhawaan udirtay dalka Switzerland, kadib markii ay baxsadeen inta badan xubnihii katirsanaaa wafdigaas, kuwaas oo fursad u arkayay safarka ay ku tageen dalka Switzerland.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe ayaa waxaa isa soo tarayay, niyad jabka iyo quusta ay muujinayaan saraakiisha iyo ciidamada Dowladda Fedaraalka, maadaama ay askartu ku hor carareen masuuliyiintii ugu sarreysay ciidanka oo uu ugu horreeyo taliyaha ciidamada Odawaa Yuusuf Raage, iyo gudoomiyaha maxamadda ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute, tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyayna waxaa isa soo tarayay askarta hubka iska dhigeysa islamarkaana isaga baxeysa kamid ahaaanshaha Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Firxadka Ciidanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.