Dab hor leh ayaa maalintii shalay oo Arbaco ahayd ka billowday, keymo ku dhow haradaha Kastayk ee dhacda meel dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Los Angeles, kumanaan ruux deganaa hareeraha haradan ayaana barakacay.
Si deg deg ah ayuu ku faafayaa dabkan oo ay hurineyso dabeyl kulul dhanka kalena xooggan, wuxuuna muddo kayar labo saacadood oo kaliya ku baahay dhul dhan 1,400 [kun iyo afar boqol] oo Hegtar.
Dad lagu qayaasay 30,000 [sodon kun] ruux oo deganaa agga haradan, ayaa lagu amray iney ka qaraxaan halkaasi, waxayna goobta dabku ka kacay ka fogtay Los Angeles fasaafo dhan 56 KM.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo wali Los Angeles ay la dhiban tahay dhibaatooyinkii ay dhaxleen dabkii waynaa ee ka kacay halkaasi, oo ay ku dhinteen dad kor udhaafaya 20 ruux halka ay ku burbureen kumanaan guryo ah, hanti bandanna Mareykanku ku waayay.