Dalka Mareykank ayaa waxa markale ka dhacay shil diyaaradeed oo galaaftay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda, kuwaas oo tiradooda ahayd saddax ruux, sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.
Diyaaradan oo kamid ah kuwa yar-yar nooceeduna ahaa Cessna 310, islamarkaana ay saarnaayeen saddex qof ayaa subaxnimadii Jimcaha ku burburtay koonfurta gobalka Florida ee dalka Mareykanka.
Diyaaradaan oo u kala gooshaysay labo magaalo oo ka tirsan gobalkaas ayaa si lama filaan ah ugu dhacday goob ay maraan waddooyin isbarbar socda oo muhiim u ah isu socda gobalkaas, taas oo keentay inuu dhaawac soo gaara ruux sarnaa baabuur marayay mid kamid ah waddoyinkaas, kaas oo ay ku dhacday diyaaradda.
Saraakiisha dab-damiska ayaa u sheegay warbaahinta, in diyaaradda ay baabuurka ku riixday dhanka waddooyinka tareenada ee halkaas mara, taas oo keentay inay xirmaan waddooyinkaasi.
Shilkan diyaaradeed ee ka dhacay Koonfurta Florida ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ku burburtay webiga Hudson ee mara Bariga gobalka New York, halkaas oo ay ku dhinteen duuliyihii diyaaradda iyo qoys ka kooban shan dalxiisayaal u dhashay dalka Spain.