Tuesday, May 6, 2025
HomeAll NewsLaftagareen oo Qiray in Askartiisa Lagu Laayo Beydhabo Hubkoodana Laga Furto.

Laftagareen oo Qiray in Askartiisa Lagu Laayo Beydhabo Hubkoodana Laga Furto.

C/Caziiz Laftagareen oo ah Hogaamiyaha maamulka labaxay koonfur-galbeed ayaa mudada sanadaha ah ee uu xilka madaxtinimo ee maamulkaasi hayay mar banaanka uga baxay magaaalada Baydhabo, isagoo ay waardiyeynayaan ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh magaaladaasi, wuxuuna utegay qaar kamid ah askartiisa.

Laftagareen ayaa ukhudbeeyyay ciidankii uu utegay, wuxuuna sheegay in askar katirsan Booliska maamulkaasi lagu dhex dilay magaalada Baydhabo hubkana laga furtay.

Socdaalka Laftagareen ayaa ahaa igu sawir ay waardiye ka yihiin askar Itoobiyaan ah, waxaana la is waydiin karaa maxay soo kordhineysaa in Laftagareen uu banaanka Baydhabo yimaado, iyadoo magaalada gudaheeda uu qiray iney ku dhamaanayaan ciidankiisa.

Halkaan ka Degso Warka Laftagareen

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.