Dibad-baxyo ayaa ka bilawday magaalada Loos-Anjolis ee gobolka Kalifoorniya, fiidnimadii Jimcihii ina dhaafay, kadib markii saraakiisha laanta socdaalka iyo dhaqangelinta canshuuraha ay hawlgallo ka sameeyeen magaalada, iyagoo xiray ugu yaraan 44 qof oo loo haysto xadgudubyo ka dhanka waxay ugu yeereen qawaaniinta socdaalka. Mudaaharaadyada oo socday illaa Axaddii ina dhaaftay, ayaa si degdeg ah isugu beddelay rabshado, taasoo keentay in madaxweynaha Mareykanka Doonaal Taraam uu amar ku bixiyo in 2 Kun oo askari oo kamida waxa uu ugu yeeray ciidamada ilaalada waddanka la geeyo magaalada si ay uga hortagaan rabshadaas.
Haddaba maxaa keenay dhacdooyinkan? Sidee ayay ku bilawdeen? Muxuu yahay mowqifka maamulka Mareykanka ee ku aaddan dhacdooyinkan? Waa maxay mowqifka uu ka taagan yahay xizbiga Dimuqraadiyiinta ee maamula Loos-Anjolis? Maxayse tahay dawrka ururrada kadib markii la xiray madaxweynaha Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah ee gobalka Kalifoorniya?, Lixdaan su’aalood waxaan ku faaqidi doonaa warbixintani kooban.
Madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaa wax ka qabashada dadka soogalootiga ah ka dhigay astaan gaar u ah muddo xileedkiisaan labaad, wuxuuna bilaabay inuu masaafuriyo tobanaan kun oo soogalooti ah. Tani waxay iska horkeentay dimuqraadiyiinta iyo maamulkiisa, gaar ahaan iyadoo mudaaharaadyada ka dhanka ah xarigga ay ku soo kordheen deegaannada ay ka taliyaan xizbiga dimuqraadiga ah. Iyadoo xaaladda ay cirka isku sii shareertay kadib markii ololaha Taraam uu gaaray magaalada Loos-Anjolis oo ah magaalo ay maamulaan Dimuquraadiga oo ay ku nool yihiin dad badan oo kasoo jeeda Laatiin Ameerika iyo waddamo kale, waana halkaan meesha ay salka ku hayaan shaqaaqadaha maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa magaalada Loos-Anjolis ee waddanka Mareykanka.
Dibad-baxyada ayaa billowday galabnimadii Jimcaha ina dhaafay kadib markii in ka badan 40 qof oo soo galooti ah lagu xiray howlgalla laga sameeyay magaalada Loos-Anjolis horraantii maalintaas, taasoo dhalisay isku dhacyo dhexmaray saraakiisha ciidamada iyo dibadbaxayaasha oo rabshado isu beddelay, taasoo keentay in booliisku ay sunta dadka ka ilmaysiisa ku dhex tuuraan dadka, waana halka ay kasoo anba qaadeen dibad-baxayaasha magaalada Loos-Anjolis gilgilay maalmihii lasoo dhaafay.
Haddan u imaadna mawqifka uu maamulka Taraam ka taagnaa xaaladda Loos-Anjolis, sida laga soo xigtay saxiifadda Buuliitiiko, saraakiisha maamulka Taraam ayaa isku dayay inay dibad-baxayaashii jimcihii lasoo dhaafay ka bilawday magaalada Loos-Anjolis ay bulshada ugu sawiraan inay ahaayeen weerar gacan ka hadal ah oo lagu qaaday mas’uuliyiinta federaalka ee ku hawlan tarxiilidda dadka soogalootiga ah, kaas oo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiinta dimuqraadiga ah oo si cad u cambaareeyey siyaasadda socdaalka ee maamulka Taraam.
Bayaan ay soo saartay, afhayeenadda waaxda amniga gudaha ee Mareykanka ayaa waxa ay ku sheegtay, in shaqaaqadda ka dhacday magaalada Loos-Anjolis ay si toos ah uga dhalatay waxay ugu yeertay tashwiiska iyo sumcad-dilidda loo gaysanaya maamulka socdaalka iyo dhaqangelinta canshuuraha, taas oo ay sheegtay, inay ka danbeeyaan siyaasiyiinta xizbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka, oo ay ku jiraan guddoomiyaha gobalka Kalifoorniya iyo duqa Magaalada Loos-Anjolis.