Magaalada Landhan ee caasimadda dalkan Ingiriiska ayaa u muuqata goob cusub oo ay ka qabsoomeen wadahadallo u dhaxeeya Shiinaha iyo Maraykanka, waxayna halkaas ku gaareen heshiis ganacsi, si loo xalliyo khilaafka xooggan ee canshuuraha, kaas oo todobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareeray. Magaaladan ayaana noqotay halka uu sida gaarka ah uga socdo tartanka awooddeed ee u dhexeeya dalalka Biijiin iyo Waashitoon.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa banaanka keenay dareenkooda ku aadan, sida ay uga walaacsan yihiin is-dhexgalka degdegga ah ee ay xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska la yeesheen Shiinaha. Mareykanka ayaana si cad u muujiyay cabsida uu ka qabo qorshaha lagu dhisayo safaaradda Shiinaha ee ugu weyn qaaradda Yurub, taas oo laga hirgelinayo gudaha magaalada Landhan, meel aad ugu dhow xarunta dhaqaalaha ee caasimadda.
Wargeyska Saandheey Taymis ayaa soo xigtay mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka oo uga digay dowladda Ingiriiska halista weyn ee dhanka sirdoonka ah ee ka dhalan karta, haddii ay horay ugu socdaan mashruuca dhismaha safaaradda Shiinaha ee Landhan. Mas’uulkan ayaa xusay in tallaabadaasi ay keeni karto in la helo xog sirdoon oo xasaasi ah, taas oo khatar ku ah amniga dalka Ingiriiska iyo midka xulafadeeda caalamiga ah ee ay kamid tahay NATO.
Wargeyska ayaa intaas ku daray, in Maraykanku uu filayo in ay la yeeshaan iskaashi dhow dowladda Ingiriiska kahor inta aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin dhismaha safaaradda Shiinaha ee Landhan. Arintan ayaana salka ku haysa walaacyada adag ee la xiriira amniga iyo sirdoonka, kuwaas oo Waashitoon ay u aragto kuwo u baahan in si wadajir ah looga baaraan-dego.
Codadka kasoo yeeraya xisbiga muxaafidka ee Ingiriiska ayaa si degdeg ah ugu biiraya cadaadisyada Maraykanku uu saarayo arrinta safaaradda Shiinaha, iyadoo Kariis Fayliib – oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Ingiriiska qaybna ka ah xisbiyada mucaaradka – uu sheegay, in walaacyadan ay muujiyeen madaxda Mareykanka ay tahay mid fariin toos ah u diraysa dawladda, si ay uga laabato go’aankaas. Wuxuu sidoo kale xusay in mashruucan uu leeyahay halis weyn oo ku aadan amniga Ingiriiska.
Baytar Kaayil oo ah wasiirka cilmiga iyo hal-abuurada ee xukuumadda ay hogaamiyaan xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska, ayaa ka jawaabay eedaymaha loo jeediyay dowladdiisa, isaga oo xusay in ay si buuxda uga warqabaan khataraha ka imaan kara arrintan, isla markaana ay dowladdu si dhab ah u qiimeyneyso dhammaan dhinacyada amniga ee la xiriira mashruuca safaaradda Shiinaha.