Wednesday, April 23, 2025
HomeAll NewsLoolanka Maamul ee Koongo oo Halis Gelinaya Damacyadii Taraam ee Macaadinta...

Loolanka Maamul ee Koongo oo Halis Gelinaya Damacyadii Taraam ee Macaadinta Dalkaas.[WARBIXIN]

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo  Joozeef Kabiila   oo muddo labo sano ah ka maqnaa dalkaas ayaa dhawaan dib ugu laabtay, isagoo booqday magaalada Gooma ee bariga dalkaasi, oo ay gacanta ku hayaan falaagada M-23.

Warbixin uu daabacay wargeyska The Taymis ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaana lagu sheegay, in dib usoo laabashada Kabiila ay keenayso cabsida laga qabo in uu sii xoogeysto dagaalka sokeeye, isla markaana uu wiiqo danaha Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ee ku aaddan ka faa’ideysiga macdanta dalkaas.

Warbixintan ayaana tilmaantay, in Kabiila oo xilka laga tuuray 2019-kii, kadib mudaaharaadyo ay dhiig badani ku daateen, uu hadda ku andacoodey, inuu dalkaasi ugu soo laabtay ujeedda ah, inuu gacan ka geysto soo afjarida dagaalka sokeeye, balse ilo-wareedyo dhowr ah oo dowladda ka tirsan ayaa su’aal ka keenay ujeedooyinka ninkaas, iyagoo la xiriiriyeen ficilkiisa mid uu ku doonayo in uu dib ugu soo laabto xukunka.

Warbixintan uu daabacay wargayskan Biritishka ah ayaa daaha ka qaaday, in Kabiila oo 53-jir ah uu awood xooggan ku leeyahay bariga dalkaas, gaar ahaan magaalada Gooma, oo ay hadda gacanta ku hayaan kooxda hubeysan ee Ruwaanda ay taageerto ee M-23, sida lagu sheegay eedeymo uga yimid dowladda Koongo  iyo waxa loogu yeero Qaramada Midoobay, Iyo in sidoo kale, uu xulafo la yahay madaxweynaha Ruwaanda, kaasoo Kinshaasa ay ku eedeysay, inuu taageeray fallaagada ka dagaalanta bariga dalkaas.

Waxaa sidoo kale, lagu xusay warbixinta, in soo laabashada Kabiila ay timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu joogo caasimadda Ruwaanda  ee Kigaali, taasoo sii xoojisay shakiga laga qabo inay isku soo duba rideen mas’uuliyiinta Ruwaanda.

Mas’uuliyiinta dalka Koongo  ayaana jawaab ka bixiyay ficilladan, iyagoo shaqada ka joojiyay xisbiga siyaasadeed ee Kabiila, kuna eedeeyay inuu gacan saar la leeyahay Ruwaanda  iyo Dhaqdhaqaaqa M-23, iyo inuu bilaabay dacwado sharci ah si uu ula wareego hantidiisa isagoo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

Halkaan ka Degso Warbixinta Congo

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.