Tuesday, July 1, 2025
HomeAll NewsMaamulka Aala-Sacuud oo Xukun Dil ah ku Fuliyay Dhalinyaro Soomaali ah.

Maamulka Aala-Sacuud oo Xukun Dil ah ku Fuliyay Dhalinyaro Soomaali ah.

Dhawaan waxaa wadanka Sucuudiga ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay sedax dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo oo kamid ah tobanaan dhalinyaro ah oo uxiran maamulka Aala-Sacuud.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa lagu sheegay, in dil lagu fuliyay dhalinyaradan kasoo jeeda wadanka Soomaaliya oo magacyadooda lagu kala sheegay: Irshaad Cali Muuse Carraale, Siyaad iyo Ibraahim Cabdi Warsame.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay dhalinyradan ayaa ka dhacay xabsi ku yaalla gobolka Najraan ee dalka Sucuudiga, waxayna tirada dhalinyrada illaa hadda la dilay mareysaa tan iyo intii la bilaabay dilalka lagula kacayo 8 ruux.

Waxaa wali haray kuwo kale oo xabsiga ku jira islamarkaana loo qorsheeyay in la dilo, mana jiraan dadaalo socda oo lagu soo badbaadinayo dhalinyrada inta kale ee hartay.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.