Ugu yaraan 14 dal ayuu maamulka Aala-Sucuud ee ka arrimiya dhulka Xarameynka joojiyay fiisayaasha Xajk, kuwaas oo qaarkood ay dhacaan qaaradaha Aasiya iyo Afrika.
Wadamada uu maamulka Aala-Sucuud ka mamnuucay fiisaha Xajka ayaa waxaa kamid ah Iiraan, Nigeria, Itoobiya, Soomaaliya, Koongo, Liibiya iyo Suudaan, kuwaas oo ku kala yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.
Tani ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka uu maamulkaan ku hayo Muslimiinta dooneysa iney gutaan waajibaadka Xajka, waxaana xusid mudan in dhulkaas barakeysan uu ufasaxay dadka gaalada ah, kuwaas oo fasaad iyo xadgudubto ka dhan ah Shareecada Islaamka ku sameynaya goobahaas kamidka ah muqadasaadka Muslimiinta.