Maamulka Aala Sacuud oo maalmahaan danbe laba jibaaray xukunada dilalka ah ayaa lagu soo waramayaa, inuu saacadihii lasoo dhaafay uu xukun dil toogasha ah ku fuliyay Saxafi aad looga garanayay gudaha dalkaas, kaas oo lagu soo eedeeyay inuu khiyaano ka galay maamulkaas.
Wariyaahaan oo caan ku ah magaca Turkiyul Jaasir ayaa maamulka Aala Sacuud u xirnaa ku dhawaad Toddobo sano, balse maalintii shalay oo Sabti ahayd ayaa lagu toogtay magaalada caasimadda ah ee Riyaad, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in Turkiyul Jaasir lagu helay dambi ah inuu la xiriiray shaqsiyaad ka baxsan Sacuudiga oo uu maleegay shirqool ka dhan ah amniga Boqortooyada Sacuudiga, ayna shaqsiyaadkaas iyo isagaba ku hawlanaayeen waxay ugu yeereen falal argagixisnimo, waa sida ay warka u dhigeene.
Balse hay’ad sheegato inay u dooda xuquuqul insaanka oo laga leeyahay Sacuudiga ayaa sheegtay, in suxufigaan la xiray sanadkii 2018-kii kadib markii xafiiska warfaafinta ee gobolka Dubaay ee Imaaaraat Carabta uu shaaca ka qaaday, inuu wariyaahani uu isaga leeyahay akoon lagu faafiniyay hadallo ka dhan ah hab maamulka Maxamed Bin Salamaan, loogana soo horjeeday caadiyayn cilaaqaadka Yahuudda.
Si kastaba ha ahaatee waxaa suxufigani nafta loo dhaafiyay oo kaliya tuhmooyinkaas uu soo jeediyay xafiiskaas Imaaraatiga ah, iyadoo aysan jirin xujooyin lagu cadayn karo inuu wariyaasi uu isaga maamulayay akoonkaas, sida ay sheegeen dadyow aad u fara badan oo ka falceliyay dilka saxafigan.
Waxaa xusid mudan in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay sanadkan oo kaliya fuliyeen, in ka badan 100-xukun oo dil ah, kuwaas oo qaarkooda lagu soo oogay tuhmooyin aan dil gaarsiisnayn sida wariyahaan oo kale.