Saacadihii lasoo dhaafay waxaa afar nin oo Soomaali ah islamarkaana maxaabiis ahaa lagu toogtay xabsi ku yaalla magaalada Najraan ee dhacda Koonfurta wadanka Sucuudiga.
Afarta nin ee la dilay ayaa magacayadood lagu kala sheegay Maxamad Badal Aadan Faarax, Cabdinuur Axamad Yaasiin, Maxamad Cawil Axmad Cali iyo C/Raxmaan Xasan Maxamad ayaa lagu kala magacaabaa ragga la toogtay, waxayna qeyb ka ahaayeen 45 qof oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay iney daroogo geliyeen Sucuudiga, sida loo dhigay war kasoo baxay maamulka Aala Sacuud.