Wednesday, July 9, 2025
HomeAll NewsMaamulka Al-Sacuud oo Lixdii Bilood ee Lasoo Dhaafay Dilay ku Dhawaad 200...

Maamulka Al-Sacuud oo Lixdii Bilood ee Lasoo Dhaafay Dilay ku Dhawaad 200 oo Ruux.

Maamulka Ala-Sacuud ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay lagu eedeeyay inuu xukunno dil ah ku fuliyay ku dhawaad 200 oo ruux oo ay Soomaali ku jiraan.

Warbixin ay soo saartay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee loogu yeero Amnesty International ayaa lagu shaaciyay, in maamulka Aala-Sacuud uu bilooyinkii lasoo dhaafay kordhiyay dilalka uu ugeysanayo dadka ku jira xabsiyadiisa.

Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay, in lixdii bilood ee lasoo dhaafat oo kaliya uu maamulka Aala-Sucuud xukunno dil ah ku jiray 180 ruux oo ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Waxa ay sidoo kale hey’addu warbixinteeda ku sheegtay, in sanadkii lasoo dhaafay uu maamulka Aala-Sacuud uu xukunno dil ah ku fuliyay 345, taas oo ah tiradii ugu dambeyn ee uu maaamulku fuliyay sanad gudihiis.

Halkaam ka Degso Warbixinta Xabsiga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.