Iyadoo dhawaan rag dhalinyaro ah uu maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed xabsiga utaxaabay, islamarkaana uu kula kacay xadgudubyo kala duwan, ayaa waxa iminka maamulku billaabay inuu jabsado taleefannadii ay lahaayeen dhalinyarada uxiran.
Dhalinyaradaan dhawaan uu xiray maamulka ku daaban Itoobiya oo ay tiradoodu tahay 4 dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Cabdi Baaruud, Ibraahin Cabdiqaadir, Maxamed Aadan iyo Axmed Awga, kuwaas oo ku jira xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga.
Cabdi Cali Siyaad oo loo yaqaanno Genaraal Gafeydhe oo ah taliyaha ciidamada maamulka ay Itoobiya ka dhisatay Soomaali-galbeed, ayaa lasoo warinayaa in mid kamid ah gacan yarayaashiisa uu udhiibay taleefannada dhalinyarada, kaas oo geeyay goob lagu cillad bixiyo Moobeellada, waxaana uu dadka halkaas ka shaqeeya ku armay iney telefoonnadaan ka furaan Password-ka ku xiran.
Tani ayaa waxa ay kordhisay walaaca ay qabaan dadka ku dhaqan dhulka Soomaaali-galbeed ee ay gumeysato Itoobiya, waxa ayna dad badani sheegeen in arrintaan ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka iyo xadgudubka ay wajahayaan dhalinyarada ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed.
Horraan ayay aheyd markii hogaamiyaha maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed uu ku faanay xariga ay ugeysteen dhalinyaradaan, isagoo sidoo kale ku hanjabay iney xiri doonaan qof waliba oo aragtidiisa ka dhiibta dhibaatada baahsan ee ay ku hayaan bulshada ku dhaqaan dhulkaas.