Dagaal beeleed ay dad ku dhinteen ayaa maalintii shalay ka dhacay degaanka Miir-Khaliifa ee hoostaga degmada Wardheer ee katirsan gobolka Doollo.
Dagaalkan oo udhaxeeyay laba beelood oo walaalo ah, ayaa waxaa ku dhintay illaa afar qof, waxaana huriyay oo ka dambeeya isku dhaca qabaa’ilkan maamulka gobolkaasi ugu magacaaban kan hoos taga dowladda Itoobiya.
Maamulka ay dowladda Itoobiya ka dhisatay Soomaali-Galbeed ayaa isku dirka qabaa’ilka ku nool halkaasi fursado ka dhex raadiya, isagoo marar qaarna si toos ah duulaan ugu qaada beelaha dega halkaasi.